Sunday, June 22, 2025

Qoyska Qof ka mida dadkii ku dhintay Diyaaradii Ethiopian Airlines oo dacwad kusoo oogay Shirkadda Boeing

Dacwadii ugu horeysay ayaa lagu soo oogay shirkadda diyaaradaha Boeing oo sameysay diyaaradii Boeing 737 Max 8 ee Ethiopian Airlines, kadib markii qoyska qof ka mida dadkii ku dhintay burburkii diyaaradda ay maxkamad tageen.

Qoyska Jackson Musoni oo u dhashay dalka Rwanda, kuna dhintay diyaaradda ayaa dacwadooda ku sheegay in in diyaaradda Boeing 737 Max 8, ay lahayd cilad keentay inay dhacdo, iyadoo magdhow ka raba shirkadda Boeing.

Maxkamadda Federaal ah oo ku taalla Mareykanka ayaa la geeyay dacwadda oo fure u noqon karta dacwado kale oo lagu soo oogo shirkadda oo aan ilaa iminka ka hadlin ciladda diyaaradda oo 5 bilood gudahood laba diyaaradood ay shil galeen.

Ad

Shilkii Itoobiya kadib ayaa dunidoo dhan laga joojiyey diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 Max 8 inay duulaan, laakiin ma jirin wax jawaab ah oo kasoo baxay shirkadda Boeing.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON