Sunday, July 13, 2025

Qof lagu dilay Gudaha Masjid ku yaalla magaalada Gaalkacyo iyo faahfaahin laga helay

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in caawa Maqribkii halkaasi lagu dilay nin rayid ah oo xilligaasi ku jiray Masjid uu ku tukanayey.

Nin Bistoolad ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday Siciid Jaamac Kulan oo ah taksiile ka dhex shaqeeya magaaooyinka Puntland, wuxuuna ku dhex toogtay gudaha Masjidka lagu magacaabo Abuu Hureyra ee magaalada Gaalkacyo, kadibna uu halkaasi ka baxsaday.

Lama oga sababta loo dilay ninka rayidka ah, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inuu ahaa Taksiile caan ah oo magaalada laga yaqaan.

Ciidamada Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa howlgal ka bilaaay caawa goobta falka dilka ah ka dhacay iyo koontaroollada magaalada, iyagoo baadi goobaya qofkii falkaasi geystay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON