Sunday, July 6, 2025

Qof loo karaantiilay Coronavirus oo Garowe ku dhintay & Puntland oo beenisay inuu cudurka ka jiro degaan…

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi lagu aasay qof ka mid ahaa dad loo karaantiilay Coronavirus oo la sheegay inuu xalay ku geeriyooday xaruntii uu ku jiray.

Meydka qofkan ayaa la arkayey iyadoo ay galbinayeen shaqaalaha caafimaadka oo xiran dharka iyo qalabka looga gaashaanto cudurrada; waxaana maanta baraha bulshada lagu baahiyey inuu qofkaasi u dhintay COVID-19, taasoo ay beenisay Puntland.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaas oo saartay War kooban oo ay ku beenisay inuu jiro wax kiis ah oo cudurka Coronavirus ah oo laga helay gudaha Puntland, waxayna intas ku dartay in dadka baahinaya warka been abuurka ee ku saabsan cudurka COVID-19 ay uga digeyso inay joojiyaan haddii kalena sharciga lala tiigsan doono.

Ma jiro wax faahfaahin ah oo laga bixiyey qofka dhintay iyo xaaladiisa, mana jiraan wax baaritaan ah oo la shaaciyey in lagu sameeyay, iyadoo uu shaki weyn ka taagan yahay sida geerida qofkan loo maareeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON