Wararkii ugu danbeeyay qarixii Gaari ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gar ahaan Igoyska KM 4 ayaa la sheegay inuu geeriyooday qof shacab ah oo watay Gaariga.
Eng. Maxamed Cabdi Kaariye ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa, isagoo la sheegay in dhaawac iyo gubasho ay soo gaartay, isla markaana xaaladiisu ahayd mid liidata, isagoo dhaawacaasi u geeriyooday.
Maxamed Cabdi Kaariye ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsi bulshaawi ah oo ka mida dhalinyarrada magaalada Muqdisho, lama oga cidda beegsatay iyo sababta loo dilay; iyadoo qaraxyada noocan ah ay ku caan baxdeen Alshabaab.


