Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa casuumaad gaara u fidiyey xubno ka mida Midowga Musharixiinta.
Axmed Cabdi Kaariye oo maanta kusoo laabtay Muqdisho, kulamo kala gaar ahna la yeeshay Wakiilka Q/Midoobay James Swan iyo Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho caawa casho sharaf ugu sameeyey midawga musharixiinta xilka madaxtinimo ee dalka.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa dhinaca Midowga Musharixiinta ka qeyb galay: Xasan Sheekh Maxamuud, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xasan Cali Kheyre iyo Daahir Maxamuud Geelle.
“Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo arimaha doorashooyinkaWaxa sidoo kale ka qeybgalaya madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug.



