Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid in la sii wado nidaamkii ee Beesha Caalamka kula macaamili jirtay maamulka Somaliland ee deeqaha lagu siin jiray “Special arrangement”.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ee xukuumadda Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Wasaaradaasi Jamaal Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aysan dib u cusbooneysiin karin Nidaamka NEW Deal ee 2013-kii lagu saxiixay Belgium-ka kaas oo Somaliland gaar u siinayay kaalmada Beesha Caalamka, markii uu dhacay sanadkii 2016 kadib.
Beesha Caalamka ay Dowladda Federaalka ah ka dalbatay dib u cusbooneysiinta nidaamka gaar ahaan qeybta quseeya Somaliland, kasoo mashaariicda horumarineed ee beesha caalamka ka fulineyso Somalia qeyb gaara looga qoondeeyo Somaliland.
Qoraalka Dowladda Federaalka ah ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso habkasta oo Dadka Soomaalida ah lagu garab istaagayo iyo maamullada dalka ka jira, balse nidaamka gaarka ah uu keenayo in maamullo kale ay dalbadaan si la mida habka Somaliland, kadibna ay halis gelineyso Qaranimada.
Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xiriirka cakiran ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya Soomaaliya, waxaana laga digay inuu kaliya horseedi karo inay sii fogaato Somaliland.