Thursday, July 17, 2025

Qoraalkii Tacsida ahaa ee dowladda Kenya oo Shaki & Dood weyn dhaliyey..? [Farmaajo mise Kheyre..?]

Dowladda Kenya ayaa qoraal tacsi ah u soo dirtay Soomaaliya, kaasoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed loogu tacsiyadeeyay waxyeeladii ka dhalatay weerarkii Alshabaab ee magaalada Muqdisho 28-ka Febraayo 2019.

Qoraalka dowladda Kenya ayaa lagu sheegay inay dowladda Kenya tacsi u gudbisay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyadoo u xaqiijisay sida ay u gaab taagan tahay iyo xoojinta kala shaqeynta dagaalka lagu jiro argagixisada, arrintan oo su’aalo badan keentay sababta madaxweyne Farmaajo oo ugu sareeya dowladda Somalia loogu soo hadal qaadi waayey qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Kenya oo xilligan xiisad diblomaasi kala dhaxeyso Somalia ayey dadku fasiraad kala duwan ka bixiyeen, sababta Kenya u dooratay inay farriin tacsi ku magacawdo Ra’iisal wasaaraha Somalia, taasoo shaki ku dhalisay dadka wax faaqidda oo qaarkood ay arkeen inay ka mid tahay ololaha Kenya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DOWLADDA KENYA

1- Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay iyadoo xanuun qalbiga guntiisa hoose u dhaadhacay dareemeysa tacsi tiiraanyo leh u direysaa xukuumadda iyo shacabka dowladda federaalka Soomaaliya, ka dib weerarkii argagixiso ee musiibada ahaa ee laga fuliyay Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. heinous

2- Falalkan argaggixiso waxay khatar isku mid ah ku yihiin shacabka labadeenna waddan, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa sida loogu baahanyahay inaan si dhow oo wada jir ah uga wada shaqeyno, innagoo kaashaneyna istiraatiijiyadda xulafadeenna, sidii loo wajihi lahaa dagaalka argagixisada iyo xagjirnimada qalalaasaha wadata, si aan ula tacaalno ugana adkaanno halistan isla markaana ugu baddalno nabad iyo amaan.

3- Maadaama uu yahay dal aan walaalo nahay, waxaan naxariis iyo dhimrin u muujineynaa isla markaana garab taagan nahay qoysaska soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuweenna, waxaana uga tacsiyeyneynaa geerida dadkii ay jeclaayeen ee iyagoo aan waxba galabsanin noloshooda ku waayay weerarkan naxdinta leh.

4- Xukuumadda Jamhuuriyadda Kenya waxay tacsida u gudbisay Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxayna u xaqiijisay sida ay Kenya diyaar ugu tahay iney sii xoojiso wada shaqeynteeda la xiriirka dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON