Tuesday, June 24, 2025

KASHIFAAD: Qorshaha qarsoon ee Madaxweyne Xasan Sheekh u tegay Magaalada Jigjiga

Mareegta Goobjooge.com ayaa ogaatay ujeedada safarka madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo dadka qaarkii ku sheegeen inuu ahay socdaal taariikh mugdi ah u soo hooyay Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu Jigjiga u tegay la kulanka saraakiil ka tirsan Milteriga Itoobiya oo uu doonayo inuu kala hadlo qorshe howlgal balaaran looga sameeyo Koonfurta Soomaaliya ka hor doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan si kooxda Alshabaab  cadaadis loo saaro looga saaro degaanada ay heysato.

Qorshahan oo milateriga Itoobiya ka cago jiidayay ayay AMISOM diyaarisay, waxaana markii hore qorshuhu ahaa in ugu badnaan wasiirka gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada ay tagaan Jigjiga si saraakiisha abaanduulka Itoobiya ay ugala hadlaan qorshan weerarka Alshabaab, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhex galay oo go’aansaday inuu isago shaqsiyan la kulmo saraakiishaasi.

Safarka Xasan Sheekh oo inta badan madaxda dowladda aysan ku niyad sameyn ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku wareertay sidii ay u dhigi lahayd, waxaana afhayeenka Madaxtooyada Daa’uud Aweys uu Jigjiga ka soo diray war ku saabsan dad kala duwan oo uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo olole ugu jira in dib loo soo doorto ayaa doonaya in taageero ay Itoobiya ka siiso in dahul badan oo ka tirsan Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe laga xoreeyo Alshbaab inta aanu xilka ka dhammaan si uu doorasho ugu galo, waxaase muuqata inuu jid khaldan u maray, wuxuuna socdaalkiisa ku soo beegmay xilli Itoobiya xiisado siyaasadeed ka oogan yihiin oo qowmiyadaha Oromada iyo Axmaarada ka hor yimaadeen Tigreega dalkaasi ka taliya.

Dowladda Itoobiya ayaa diiday inay qabato xilka taliska AMISOM, waxaana ay shuruud uga dhigtay qodobo ka careysiiyay dowladaha kale ee AMISOM ka tirsan, taasoo keentay in 5 bilood kadib xilkaasi loo magacaabo taliye Jabuutiyaan ah.

AKHRI:  

XOG: Qorshe ciidamo Itoobiyaan ah lagu keeni lahaa Muqdisho oo la isku heysto (Akhriso dalalka ka hor yimid)

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON