Qoyska haweeney uu dhowaan toogasho ku dilay askari ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dalbaday cadaaladda iyo in askarigaasi sharciga la horkeeno, iyagoo sheegay in ninkaasi la qarinayo.
Askariga oo lagu magacabo Axmed C/raxmaan (Axmed Jareerre) ayaa dilay marxumad Sahra Cismaan Hirre oo ahayd xaaskiisa, isla markaana lahayd uur 8 bilood ah. Ninka dilka u geystey xaaskiisa ayaa baxaday.
Cabdirisaaq Aadan Faarax (Suuufi) oo adeer u ah marxuumad Sahra Cismaan ayaa sheegay, isagoo ku sugan magaalada Kismaayo inay dowladda dalbanayaan in askariga lasoo xiro, sharcigana la marsiiyo.
Wuxuu caddeeyay inay tuhunsan yihiin in saraakiisha Madaxtooyada ay qariyaan denbiilaha oo aan wax tallaabo ah laga qaadin ilaa iyo haddana arrintaasi wax ba laga qaban.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA VOA
