Wednesday, June 25, 2025

Qoyska Madaxa Dahabshiil ee Koonfurta Soomaaliya oo Muqdisho lagu weeraray

Laba qof oo isku qoys ah ayaa maanta lagu dilay weerar ka dhacay degmada Hodon, ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo lagu qaaday gaari ay la socdeen dad rayid ah ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer markii la garab dhigay gaari kale oo dableyda weerarka geysatay ay wateen, waxaana ku dhaawacmay 4 qof oo laba kamida xaaladoodu liidato.

Wararka ayaa sheegaya in Qoyska la weerarray uu ahaa qoyska agaasimaha Shirkadda Dahabshiil ee Bariga iyo bartamaha Soomaaliya Xasan Cawad, waxaana dadka waxyeelada la gaarsiiyay ay u badan yihiin caruur.

Dableyda falkan naxdinta leh geystay ayaa oobta ka baxsaday, iyadoo aan ilaa iminka wax war ahi kasoo bixin hay’adaha ammaanka iyo dowladda Federaalka.

Madaxa shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Xasan Cawad, ayaa la sheegay inuusan la socon gaariga xilliga la weeraray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON