Ehelada Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo Muqdisho lagu kufsaday, laguna dilay waxay sheegeen in mas’uuliyiin sare faragelin ku hayaan Kiiska, lana bedelay Baarihii Afraad
Eheleda iyo Qoyska Maxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo dhowaan u geeriyooday markii Dabaq laga soo tuuray, lana sheegay in la kufsaday ayaa shaki ka muujiyey qaabka uu ku socdo kiiska, waxayna ku baaqeen bannaanbax Berri ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Xasan Carraalle Culusow oo abti u marxuumad Xamdi iyo Nabadoonka beesha Cali Yusuuf Daamey ayaa saxaafadda u sheegay inay aad uga walaacsan yihiin mas’uuliyiin isugu jira xildhibaanno, Jeneraalo iyo taliyeyaal ciidan oo faragalin ku haya baarista Kiiska Xamdi oo dul taagan arrintan, waxayna digniin culus u diraan dowladda Soomaaliya.
“7 qof ayaa baaris loo soo celiyay… waxaa kiiska dul taagan Jeneraalo, korneeylo iyo xildhibaanno… Waan qeylinay waan cabanay.. waxaan u sheegeynaa dowladda inaysan isku keen dirin oo isku keen goyn… Xanuun badan waa na hayaa .. waxaan dowladda ka rabnaa inay cadaaladda xaqiijiso oo dhexdeena wanaag ku sameyso..” ayuu yiri Nabadoon Cali Yuusuf.
“Waxaan naloo sheegay in lacag lala lal dul taagan yahay .. mas’uul weyn oo ciidamada Soomaaliya inuu ka mid yahay dadkaasi.. Baarihii koowaad waa la bedelay, kii labaad waa la bedelay, kii saddexaadna waa la bedelay, kii afraad in shalay oo ahayd 22/9/2012 in la magacaabay ayaa naloo sheegay.. maxay yihiin waxa baarayaasha loo bedelaa?” ayuu yiri Nabadoonka.

Xasan Carraalle Culusow ayaa isna sheegay in musuq badan ay ku arkeen Xarunta CID-a iyo Xeer ilaalinta, waxayna dalbadeen in baarista laga wareejiyo CID-da loona saaro guddi gaara, lagaba wareejiyo Maxkamadaha hadda gacana ku haysa. “Yaaney nagu qasbin dowladda inaan cadaaladda gacanteena ku raadsano..” ayuuna yiri.