Ehelada iyo Qoyska laba walaallo ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa dalbaday cadaalad, waxayna go’aansadeen inaan la aasin labada marxuum ee ku baxay gacanta ciidamada dowladda.
Meydadka Zakariye Maxamud Xuseen Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Xuseen Kalafoge oo warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Somali Sudanese ayaa sheegay in Meydadka labada Marxuum aan la aasi doonin inta ay Cadaalad ay ka helaan.
Qoyska ayaa Madaxda dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir ka dalbaday inay qaadaan tallaabo cadaalada lagu horkeeno Askartii ka dambeysay dilka loo geystay Zakariye iyo Sowdo, waxayna ku eedeeyeen hay’adaha Amniga inaysan ilaa hadda la soo xiriirin, wax tallaabo ahna qaadin.
Cabdirashiid Maxamuud Xuseen Kalafoge oo la dhashay marxuumiinta la dilay oo ay murugo ka muuqato ayaa sheegay inay doonayaan cadaalad, isla markaana aanay aasi doonin inta laga helayo cadaaladaasi.
