Taliska Ciidamada Booliska ayaa ka hadlay dilka wiil iyo gabar walaallo ahaa oo xalay lagu dilay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan shir jaraa’id k uqabtay Saldhigga degmada Waaberi, iyadoo ay la joogeen ehelka marxuumiinta la dilay ayaa sheegay inuu falkaasi dhacay xalay 06: 45 wixii markaas ka danbeeyayna ay socotay baarista.
Booliska ayuu sheegay inay kiiska baariseed ka fureen Xarunta CID, isla markaana xogta laga helay dad marqaati ah ay sheegeyso inuu falka geystay gaari nooca Cabdi Bile laba shirrey ah oo ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka, gaariga oo dhinaca Bakaaraha aaday galka kadib.
Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa cadeeyay in xoghta ay duubeen Kaamerooyink Amniga la heli doono, kadibna baarista xooggeeda bilaaban doonto si loo helo ciddii falkaasi ka danbeysay oo hadda la ogyahay inay yihiin ciidamo ka tirsan Milateriga iyo gaari ay leeyihiin Xoogga Dalka oo jid ciriiri ah ku furtay rasaas.
