Monday, July 14, 2025

Qoyskii Caaisha Ilyaas oo Cadaalad darro & Cabsi darteed uga qaxay magaalada Gaalkacyo.

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Qoyska gabadhii yareyd ee  Caa’isha Ilyaas Aadan oo 25-ka bishi Febraayo 2019 kufsi iyo dil fool-xun loogu geystay magaaladaasi ka qaxeen Gaalkacyo, iyagoo u guuray degmada Galdogob.

Warar laga helay qoyska ayaa sheegaya in telefoono laga wacay hooyadeed iyo xubno ka mid qoyska oo loo hanjabay, waxaana aabaha qoyska uu hore u sheegay in kiiska gabadhiisa la marin habaabiyey oo dadkii ka danbeeyay dibadda loo qaaday, kuwo kalena loo xiray.

Qoyskan oo muddo laba bilood ah dalbanayey inay caddaalad u helaan dilka gabadhooda iyo kufsigii loo heysay ayaan wax jawaab ah ka helin maamulka Puntland. waxaana Hooyada dhashay Caa’isha oo dhowaan warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay caddaalad-darro ka tirsanayaan mamulka Puntland iyadoo la xeeladeeyay dulmigii loo geystay gabadheeda.

Shalay gelinkii dambe ayey ka qaxeen magaalada Gaalkacyo iyadoo cabsi darteed uga cararay magaalada, iyadoo u jiheystay degmada Goldogob, wuxuuna Aabe Ilyaas oo jooga Garowe u sheegay warbaahinta in reer Gaalkacyo ay noqdeen deris xun.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON