Monday, October 26, 2020
More

    Qurbe-jooge Hooyadii dilay oo lagu qisaasay Magaalada Garowe (Dhacdo Naxdin leh)


    Waxaa maanta magaalada Garowe dil qisaas ah lagu fuliyey Faarax Cabdi Maxamed oo hooyadiis ku dilay degaanka Jalam ee Gobolka Nugaal, arrintan oo ahayd mid naxdin leh.

    Maxkamada Sare ee Puntland ayaa xukun kama danbeys ah oo Dil toogasho ah ku riday Faarax Cabdi Maxamed (Caagane). Muddo saddex bilood ka hor ayaa kiiskan laga furay Maxkamadda Sare ee Puntland, kadib markii dil naxdin leh u geystey hooyadiis Xaawo Jaamac Cabdulle.

    Ad

    Dilka qisaasta ah waxaa ku fuliyey eedeysanaha walaalkiis Caawiye Cabdi Maxamed (Caagane), waxaana la xaqiijiyey in ninka hooyadiis dilay laga soo celiyey qurbaha, isla markaana uu caafimaad qabay, isagoo diiday inuu sheego sababta uu hooyadii u dilay.

    Qoyska ayaa isku raacay in la qisaaso Faarax oo dilay hooyadii, waxaana Ilmo Cabdi Maxamed waa 8 qof oo uu ku jiro ninka la toogtay, iyadoo wakiishay Caawiye inuu fuliyo qisaasta. Waxaana Xeer ilaalintu sheegta in dhaqaatiir badan ay baareen oo ay caddeyeen in caafimaadkiisu taam ahaa.

    Dadka yaqaan Qoyska aya sheegay inay ku noolaan jireen dalka Holland, hooyo Caasha-na ay wiilkeeda si fiican ula dhaqmi jirtay, iyadoo isbedel ku yimid dalka lagu soo celiyey, kadibna ay hooyadii ka daba timid, balse ay gacantiisa sababsatay.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,066FollowersFollow
    5,660FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,066FollowersFollow
    5,660FollowersFollow

    TOP NEWS

    Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday Alshabaabkii ka baxsaday Xabsiga Dhexe iyo 9 Askari oo ka tirsan…

    Maxamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday 11 Qof oo ku eedeysan weerarkii ka dhacay...

    Jid muddo Sanado ah u xirnaa Safaarado oo la bilaabay in Dhagxaanta iyo Shubka laga qaado

    Jid muhiim ah oo muddo sanado ah u xirnaa safaarado kala duwan ayaa waxaa hadda socda howl adag oo dhagxaanta looga qaadayo.

    Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacii ka bedelay xilliga ‘Kala-guurka’ ee xukuumadiisu kusoo beegantay

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaca ka bedeley waqtiga 'KALA GURKA' ah ee ay xukuumadiisa kusoo beegantay, iyadoo dalku doorasho gelayo mudaddii...

    Xukuumaddii ugu waqtiga yareyd ee Ra’iisal wasaare Rooble oo la ansixiyey iyo Wasiirada oo la dhaariyey

    Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta codka kalsoonida siyey Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo Barnaamijkeeda. Golaha wasiirada...

    Ganaax lagu riday Haweeney ah Xeer ilaaliye ku-xigeen oo khilaaf ka dhaliyay Hay’adaha Garsoorka (Akhriso)

    Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska Xeer ilaalinta Guud kadib markii ganaax lagu riday haweeney ah...

    Kulan magaalada Nairobi ku dhex maray Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif iyo Arrimaha looga hadlay

    Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya uu magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynhii hore Shariif Sheekh...

    Weriye C/llaahi Kulmiye: “Nabadsugidda iyo ciidamada Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isoo weerarray..”

    Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo maanta laga sii daayey xabsiga Godka Jilacow oo uu muddo 5 maalin ku dhowaad ah ku jiray...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!