Friday, June 27, 2025

Rag Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho

Rag la tuhunsan yahay inay Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa lagu qabtay howlgal ka dhacay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in howlgalka ciidamada amaanka lagu qabqabtay labo nin oo la tuhunmay inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Labadan nin ayaa laga qabtay xaafadda Dabakaayo Madow oo ee degmada Dharkeynley, iyadoo degmadaasi ay ka dhaceen falal khaarijin ahaa oo Alshabaab ay sheegteen.

Alshabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay falal is daba joog ah ka fulisay magaalada Muqdisho oo isugu jira qaraxyo iyo dilal khaarijin ahaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON