Saturday, July 12, 2025

Rag la baxsaday Gaari, kana iibiyay Alshabaab oo Muqdisho lagu qabtay, loona dhoofiyay

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay, kadibna loo dhoofiyay laba nin oo la sheegay inay la baxsadeen gaari Toyota Land Cruiser ah, kadibna ay ka iibsadeen Alshabaab, iyagoo qarsoodi ku galay caasimadda.

Hay’adda Nabadsugidda Jubbaland ayaa lagu wareejiyay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo bishii Janaayo ee sanadkan 2023, magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47, kadibna tegay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Raggaan ayaa la sheegay inay la xiriireen xubno ka tirsan Alshabaab oo u ballanqaaday in la siin doono lacag dhan 20,000$. Cabdifataax Nuur ayaa ahaa darawalkii gaariga, isagoo ka shaqeeyay arrintan.

Kadib markii ay Alshabaab ka iibiyeen Gaarigii iyo Qorigii, aya la sheegay in si qarsoodi ah u tageen magaalada Muqdisho, kuna noolaayeen, basle dabagal lagu soo helay, kadibna gacanta lagu dhigo, iyadoo loo dhoofiyay magaalada Kismaayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON