Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Amniga,kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda laamaha amniga dalka,waxaana lagu falanqeynayey sidii loo xasilin lahaa ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in amniga uu yahay muhiimadda koowaad ee dawladda ay ku dhisan tahay xukuumadiisuna ay ka shaqynayso sidii lagu heli lahaa amni lagu kalsoon yahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.