Ra’iisul Wasaaraha aan weli magacaabin Golihiisa Wasiirada Maxamed Xuseen Rooble ayaa amarro kusoo rogay wasiiraa xilka sii haya ee xukuumadii hore, isagoo soo saaray wareegtadii ugu horeysay.
Waregada Ra’iisal wasaare Rooble ayaa lagu faray Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta inaysan qaadi karin qaadan karin wax go’aan ah oo aanay kala tashan Ra’iisal wasaaraha, isla markaana go’aan kasta iyo qoraal kasta oo ay soo saarayaan ay ogeysiiyaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Sii-hayaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka.
Wareegtada oo shalay soo baxday ayaanm ka hadlin tallaabooyinkii ay qaadeen wasiirada xilka sii haya ee isugu jiray magacaabidda iyo heshiisyada ay galeen; waxayna muujineysa in magacaabidda Golaha Wasiirada cusub ay waqti kale qaadan doonto.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA