Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Arrin yaab leh ka sameeyay shirkii Jaraa’id ee Qaahira [Daawo Dhaar uu marayo]

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo booqasho rasmi ah ku tegay dalka Masar ayaa arrin yaab leh ku dhaqaaqay markii uu dhaar u maray dadka Masar xilli ay shir jaraa’id wada qabanayeen Madaxweynaha Masar C/fataax Alsisi.

Abiy Ahmed ayaa intii uu ku jiray Shirka jaraa’id ee wadajirka ahaa wuxuu Af carabi ku sheegay isagoo dhaartay “INAYSAN ITOOBIYA DOONEYNIN INAY WAX DHIBAATO AH U GEYSATO MASAR”, waxaana hadalkaasi u meeriyey madaxweynaha Masar. Ujeedka Biyo xireenka Itoobiya ee Webiga Nile-ka uu yahay mid horumarineed oo dan ugu jirto labada dal.

Dhaarta Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayay si weyn uga hadleen warbaahinta dalka Masar, iyadoo la arkayey iyadoo ayaa dhaar is dhaafsanayaan isaga iyo madaxweynaha Masar, taasoo ah arrin ku cusub siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

Xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Masar ayaa waxaa in muddo ah xumeeyay Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, kaasoo Masar ay si weyn uga walaacsan tahay inuu yareeyo biyaha Webiga Nile.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON