Sunday, June 22, 2025

Ra’iisal wasaraha Itoobiya: “Ciidamo Ajnabi ah ayaa dagaalka gacan ku siinaya Argagixisada TPLF..”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay gobolka Wollo ay ku lug lahaayeen ciidamo ajnabi ah oo aan Itoobiyaan ahayn o gacan siinaya jabhadda TPLF.

Abiy Axmed ayaa shaaciyey in ciidammo aan Itoobiyaan ahayn ay ku biireen kooxaha argagixisada ah ee dagaalka kula jira dowladiisa ee TPLF, wuxuuna ku baaqay in la sii xoojiyo dagaalka lagula jiro.

Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ayaa madaxda sare ee dowladda Itoobiya uga war-bixiyay arrimaha ka taagan Gobolka Amxaarada. “Ajnabi Caddaan iyo madow leh oo aan Itoobiyaan ahayn ayaa ka qeyb-qaatay dagaalka, waxayna taagerayaan argagixisada ah ee TPLF” ayuuna yiri.

Ad

Ra’iisal wasaaruhu waxa uu sheegay in ay soo gurmadeen shacab aad utiro badan laakiin, tirada shacabka oo aad u badnayd, ayna dawladu diyaar garow ku filan ka samaynin sidii loo maarayn lahaa dadkaasi, balse ay markan si buuxda ugu diyaar garowday sidii loo maareyn lahaa gurmadka shacabka oo loo diyaariyay Istiraatiijiyad lagu hagayo.

Wuxuu ku adkeystay inuusan wax shaki ka qabin inay Itoobiya ku guulaysan doono dagaalka, wuxuuna mar kale shacabka ugu baaqay in la sii kordhiyo taageerada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON