Saturday, July 26, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo diiday inuu joojiyo Dagaalka Tigray iyo Dagaal Sokeeye oo laga cabsi qabo…

Waxaa weli socda howgalka Ciidamada Federaalka Itoobiya ka wadaan Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kadib markii Ra’iisal wasaraha dalkaasi Abiy Ahmed amar ku bixiyey dagaalka, iyadoo xaalad degdeg ah lagu soo rogay Gobolkaasi.

Xaaladda Gobolka ayaa cakiran, waxaana la joojiyey isu socodka, iyadoo isgarsiinta iyo Internet-ka hawada laga saaray, isla markaana dagaaladu socdaan, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in qasaare ka dhashay dagaalka.

Ilo diblomaasi oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in dagaalkii maalintii Arbacadda lagu dilay ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Itoobiya, halka Abiy Ahmed uu sheegay in la fashiliyay gadoodkii ay wadeen Jabhadda TPLF, lana burburiyey.

Dadaallo ay wadeen dalal dhowr ah iyo Midowga Afrika ayuu diiday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ku adkeystay in arrintan ay tahay arrimaha Gudaha Itoobiya oo aanay cid kale u furneyn inay la hadasho ama door ku yeelato.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeeyeen duleedka magaalada xarunta Tigray ee Mekele.

Ciidamada Gobolka Tigrey ayaa dagaal kaal hor tegay kuwa dowladda Itoobiya, waxaana dadka degaana ay sheegeen inay weli socoto rasaasta. Dhaawaca ciidamada dowladda Itoobiya ayaa lagu daweeyey isbitaal ku yaalla xuduudka Gobolka Tigray iyo Amxaaradda.

Dalalka Afrika iyo Midowga Afrika ayaa ka cabsi qaba tallaabada milateri ee uu qaaday Abiy Ahmed inay dagaal sokeeye ka dhaliso Itoobiya, iyadoo jabhadda TPLF la ogyahay inay leedahay dagaalyahanno si weyn u tababarran oo awood leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON