Saturday, July 19, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo isku shaandheyn weyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada [Akhriso Magacyada]

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib u habayn weyn  ku sameeyay golaha wasiirrada Xukuumadda Itoobiya shan bilood gudahood intii uu talada qabtay, iyadoo la yareeyay tirada Golaha Wasiirada dalkaasi.

Wuxuu sheegay in isbedelka uu ku sameeyay Golaha wasiirada ay tahay arrintan muhiim u ah dib u habaynta uu wado iyo isbedelka uu doonayo inuu dalka Itoobiya ka hirgeliyo, waxaana Golaha wasiirrada dalkaasi laga dhigay 20, halka markii hore ahaayeen 28 wasiir.

Waxaa xusid muran in haweeney lagu magacaabo Caasha Maxamed oo loo magacaabay wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya, iyadoo noqon doonta wasiirkii ugu horreeyay ee haween ah oo qabta xilka Wasaaradda difaaca Itoobiya.

Waxaa kaloo lagu soo kordhiyey Golaha wasiirada Wasaaradda Nabadda oo loo magacaabay Muferiat Kemil oo  hore u ahayd afhayeenka baarlamaanka.

Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Soomaalida Itoobiya Axmed Shide oo hore u ahaa wasiirka warfaafinta  ayaa hadda loo magacaabay wasiirka maaliyadda Itoobiya oo ah wasaarad weyn oo aysan Soomaalida weli qaban.

HOOS KA AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRADA ITOOBIYA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON