Monday, July 14, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo magacaabay Guddi soo baara kooxaha ka horjeeda Isbedellada uu wado

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Cali ayaa guddi u magacabaay inay baaritaan ku sameeyaan dhacdooyin qalalaase ah oo loooga soo horjeedo isbedellada uu ka wado oo ka dhacay dalka Itoobiya.

Dhacdooyin ugu waaweyn ee looga horjeeday Ra’iisal wasaaraha cusub waxaa ka mida Qaraxii ka dhacay banaanbax lagu taageerayay oo dhacay magaalada Adis ababa, dhac loo geystay Bangiyada dalkaas qaarkood siiba bankiga Abyssinia, isku dhacyo dhex maray qowmiyadaha qaarkood iyo iyadoo si kula kac ah oo hakiyey adeegyada Korontada iyo Isgaarsiinta.

Arrinta ugu weyn ee lama filaanka aha ayaa ahyd Qaraxii lala beegsaday fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, wax yar kadib khudbad ka jeediyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, kaasoo loo xiray 30 qof oo 9 ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliska, midkoodna uu yahay taliye ku xigeenkii booliska Addis Ababa.

Waxaa  la sheegay in isbedellada Abiy Ahmed ay ka horjeedaan jabhadii TPLF ee soo halgantay oo inta badan gacanta ku heysa ciidamada dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in dad saraakiil ah la xiro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON