Saturday, June 28, 2025

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo shaaciyey 7 jeer oo la isku dayey in la khaarijiyo. [Warbixin Xasaasi ah]

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyey inta jeer ee la isku dayey intii uu xilka hayey in la khaarijiyo oo la afgambiyo.

Isagoo ka hadlayay Golaha wakiillada Dalka Itoobiya ayuu siiyey warbixinta ku saabsan afgambigi dhicisoobay ee dhowaan ka dhacay ismaamulka Amxaaradda iyo xaaladda ay Itoobiya gashay, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey halis badan oo Itoobiya soo wajahday.

“Waxaan idiin sheegayaa dadka afgambiga dhicisoobay ka qayb qaatay waxaa ka mid ah ciidama aan yareen oo ka mid ahaa ciidamadi hadda ka hor xafiiskeyga iigu timid. Wasaaradda gaashaandhigga marka ay ciidamadaasi qiimeyn ku sameeysay oo qaarkood la xiray kaddib ayey wasaaraddu cafis u fidisay maadaamaa ay dhalinyaro ahaayeen, afgambigan ciidamadi noocaasi ahaana wey adeegsadeen.” ayuu Abiy Ahmed u sheegay Baarlamaanak Itoobiya.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay sannadki la soo dhaafay ay Itoobiya ka dhaceen isku day afgambi oo dhowr ah, isagoo sheegay inuusan sheegeynin inta aan la ogeyn, balse uu faahfaahin ka bixinayo inta bannaanka u soo baxday ee la ogaaday.

Wuxuu soo qaatay July 23, 2018 xilli uu talada hayey muddo 2 bilood oo ah lagu sameeyey falkii qaraxa lala beegsaday xilli uu ka qeyb galayey bannaanbax ka dhacay magaalada Addis ababa oo la doonayey madaxda dowladda in lagu khaarijiyo, sida uu yiri.

Wuxuu kaloo 4 bilood markii xilka hayey degaanka Soomaalida laga sameeyay arrin halis ah oo midnimada Itoobiya caqbad ku ahayd, aadna loo abaabulay, ciidamo kumannaan ah oo tababaran oo siyaasadda iyo dhaqaalaba ka dhisanna ay ka qeyb qaateen, iyadoo dhalinyaro badan ay ku nafweyday falkaasi, kaniisado lagu gubay, dhibaato aad u badana ka dhalatay.

Kadib xiisadii maamulka Soomaalida Itoobiya ayuu sheegay Abiy Ahmed in xafiiskiisa ay ku soo weerarreen ciidama aad u hubeysan oo aan yareyn, shirqoolkaasina uu caqli iyo maskax adeegsi ah uga baxsaday, balse laba bilood kadib ay Galbeedka Itoobiya xaalad kale ka qaraxday.

Wuxuu sheegay in xeelad kale loo adeegsaday maamulkiisa oo ahayd Gadoodka Shaqaalaha dowladda asida macallimiinta iyo dhakhaatiirta oo shaqo joojin sameeyay iyaga oo sababa uga dhiganaya mushaarka oo ku yar, balse arrintu ahayd mid siyaasadeysan.

Arinta kale oo lagu faafiyey ayuu sheegay inay ahayd War sheegaya in Dalka Itoobiya ay Oromo qabsatay, ciidanki oo dhanbna ay Orromo noqdeen, taasoo xaqiiqda ka fog sidau u yiri, kadibna uu yimid afgembigii dhicisoobay ee Amxaaadda oo lagu dilay madaxdii maamulkaasi iyo taliyihiin ciidamada Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON