Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo u hanjabay Jabhadda Tigreega, kuna dhaartay inuu ka hortegi doono

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa dhaartay inuu iska caabin doono, kana hortegi doono weerarada “cadowga” Ethiopia, kadib weerarrada rogaal celiska ee Jabhadda Tireega ku qabsadeen dhul balaaran oo ka mida gobolka Tigray.

“Waan is-difaaci doonnaa, iskana caabin doonnaa weerarada cadowgeena gudaha iyo dibadda” ayuu Abiy ku yiri bayaan lagu daabacay twitter-ka, wuxuuna in Itoobiya oo is heysata ka guuleysan doonto caddowgeeda halista ku ah Qaranimadeeda.

“Shacabkeena, sida ay horey u muujiyeen, waa inay u midoobaan sida hal ciidan oo kale, si ay u xaqiijiyaan bad-baadada dalkeena, oo ay taageeraan Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia, oo ay iska difaacaan iskana caabiyaan cadaadiska dibedda iyo daan-daansiga gudaha,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo baaq u diray shacabka Itoobiya.

Qoraal dheer oo Af Amxaari ku qoran ayuu ku caddeeyay sababta ay xabbad joojinta uga dhawaaqeen. “Waxaan xabad-joojin hal dhinac ah u qaadanay inaan ka fogaano dagaallo kale oo dheeraad ah, oo aan dadka u neefino, inta lagu guda jira xilliga beerashada, islamarkaana ogolaano in howlgalka gargaarka uu socdo shuruud la’aan,” ayuu yiri Abiy oo intaas ku daray inay wax kastoo ku qaadato difaaci doonaan.

Arintan ayaa danbeysay qabsashadii ay kula wareegeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle, taasi oo weji cusub u yeeshay dagaalka sideedda bilood ka socda gobolka Tigray, oo ay ku dhinteen kumanaan qof, boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan soo cusbooneysiiyey weerarada ay ka fulinayaa gobolka Tigray ee waqooyi, ayaga oo guulo ka sheegtay dagaalo dhowr ah, laba toddobaad kadib markii dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON