Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ugu hadlay xaaladda dagaalka ay dowladiisa kula jiro Jabhadda TPLF ee maamsha Gobolka Tigray, wuxuuna u jawaabay dadka welwelka ka muujiyey in Itoobiya uu ka dhaco dagaal sokeeye iyo qalalaase.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay saaxiibadeed uga mahad celineyso welwelka ay u muujiyeen, balse howlgalka uu yahay mid xukunka sharciga ay tahay inuu shaqeeyo oo lagu damaanad qaado nabadda iyo xasiloonida markii dhammaan denbiilayaasha sharciga la hor keeno.
“Welwelka ah in Itoobiya ay ku dhaceyso qalalaase xaqiiq ma aha, dadkaasina si qoto dheer uma fahamsana xaaladda Itoobiya. Anagoo dowlad madax bannaan ah oo awood u leh inay maareyso arrimaheeda gudaha ayaan qaadnay howlgalka lagu xoojinayo soo celinta sharciga, si degdeg ah ayaan loo soo afjari doonaa..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
Midowga Afrika iyo dalalka caalamka ayaa welwel ka muujiyey dagaalka Abiy Ahmed ka wado Gobolka Tigray iyagoo ku baaqay in dagaalka la joojiyo, wadahadalna la galo, taasoo uu ka hor yimid Ra’iisal wasaaraha.
