Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war kasoo saaray afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay Gobolka Amxaaradda oo lagu dilay madaxweynihii maamulkaasi iyo madax kale.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Abiy Ahmed ayaa lagu faahfaahiyey sidii ay wax u dhaceen iyo cidda ka danbeysay falkaasi, waxaana lagu xaqiijiyey in isku day afmgebi lala beegsaday madaxda maamulka Amxaarada, iyadoo lagu dilay madaxweynaha maamulkaasi Ambachew Mekannon iyo la-taliyihiisii Ezez Wassie lagu dilay, laguna dhaawacay xeer ilaaliyihii maamulkasi Migbaru Kebede.
Waxaa kaloo qoraalka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya lagu sheegay in fal kale oo ka baxsan uu magaalada Addis ababa ka dhacay, kaasoo lagu dilay taliyihii ciidamada Itoobiya iyo jeneraal kale, dilkaasoo uu ka danbeeyay askari ilaalo u ahaa, waxaana afgembiga lagu eedeeyay inuu abaabulay madixii amniga maamulka Amxaarada Gen. Asaminew Tsige.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
