Raiisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faragelin toos ah ku sameeyay doorashada maamulka Galmudug, kadib markii uu dalbaday in muddo 45 maalmood ah dib loo dhigo.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay, kadib markii uu kulamo wadatashi oo isdabajoog ah kala layeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, sida: Hoggaanka Galmudug, Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug qaarkood, Xildhibaanda Aqalka Sare, xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Ahlu sunna waljamaaca, inuu soo jeediyay qodobadda soo socda:
1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.
2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.
3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.
4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.
5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.