Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada oo in muddo ah la sugayay.
Golaha Wasiirada cusub ayaa ka kooban 26 wasiir waxaana ku jira haweenkii ugu badnaa abid ee ka dhex muuqda Gole wasiiro oo Soomaaliyeed iyo wejiyo cusub.
Xafladda ku dhawaaqista golaha wasiirada ayaa lagu casuumay madaxda sare ee dowladda Federaalka, wasiiro hore, xildhibaanada labada aqal iyo marti sharaf kale, waxayna buux dhaafiyeen xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Wasaarad cusub oo loogu magac darray gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ayaa la abuuray si wax looga qabto xaaladda abaaraha dalka ee soo noqnqoday, sida uu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo cusub oo lagu xisaabtamayo wasiirada xilka loo magacaabay oo ay ka mid yihiin in hantidooda la xisaabiyo iyo xisaabtan joogto ah.
Dhowaan filo liiska wasiirada
1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen
2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha.
3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda
4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda
5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka
6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga
7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha
8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada
9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka
10- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
11- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga
12- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud
13- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka
14- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka
15- C/raxmaan Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka
16- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha
17- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta
18- C/rashiid C/llaahi Wasiirka Gaashaandhigga