Friday, July 4, 2025

Ra’iisal wasaaraha oo ku sii jeeda Garowe iyo Wasiirka dibadda oo laga hor istaagay dadkii soo dhoweyn lahaa.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sii jeeda magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa la xiriira sidii uu xal ugu raadin lahaa khilaafka ka taagan Doorashada 2020/2021 oo maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Musharixiinta Madaxweynaha ay diidan yihiin sida ay wax u wado dowladda Federaalka.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee ra’iisal wasaaraha ku tago degaanada Puntland iyadoo xilligan aanu wanaagsaneyn xiriirka dowladd Federaalka iyo Puntland, waxaana lagu wadaa inuu kadib tago magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa maanta magaalada Garowe gaaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo hordhac u ah Wafdiga Ra’iisal wasaraha, waxaana garoonka diyaaradaha Garoowe loo diiday dad iyo gaadiid doonayey inay soo dhoweeyaan Wasiirka.

Waxaa dadkaasi laga joojiyey inay gudaha u galaan oo kaliya loo ogolaaday siyaasiyiinta xilalka haya oo kaliya, taasoo la sheegay inay tahay amar maamulka Puntland soo rogtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON