Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug,h alkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda maamulkasi, mas’uuliyiin iyo dadweyne.
Waxaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb uga hortegay Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, xubno ka tirsan mas’uuliyiinta iyo Bulshadda Degaanka.
Socdaalka Ra’iisul wasaaraha oo ka yimid Puntland ayaa la xiriirta xoojinta wadashaqeynta dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Galmudug & Dardargelinta Doorashooyinka 2020/2021 oo muran weyn ka taagan yahay.
Dhinaca kale dowladda Federaaka ayaa ciidamo badan oo kuwa Kumaandooska ee Gorgor u daad gureysay magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay inay ciidamadaasi ka badan yihiin ciidan loogu talogalay sugidda Amniga Ra’iisal wasaaraha.





