Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Socdaalka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku saabsan inuu uga qeybgeli lahaa shir sanadeedka Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kaasoo looga hadlayo Barnaamijka geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya oo muddo dheer soo socday iyo hannaanka Maaliyada Dowladda Somalia.
Waxaa magaalada Washington hadda ku sugan Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Aduunka oo uu hogaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Bangiga ee Qaarada Afrika Hafze_Ghanem.
Dowladda Somalia ayaa lagu xiray shuruudo badan oo ku saabsan hagaajinta nidaamka Maaliyadda Dalka si deynta looga cafiyo Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO