Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
Kulankan oo daba jooga shirar xiriir ah oo beesha caalamka la yeelaneysay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ayaa looga hadlay xaaladda dalka, iyadoo ay labada dhinac isla soo qaadeen arrimaha dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay mudnaanta siiso sanadka ka haray xilkeeda.
War kasoo baxay UNSOM ayaa lag sheegay inay ka wadahadkeen arrimaha Doorashada 2020 iyo sida ugu wanaagsan Beesha caalamka ay kaalmo uga geysan karto xaqiijinta qodobadaasi.
Wakiilada Beesha caalamka ayaa kulamo kala gaara la yeeshay maamul Goboleedyada dalka, waxayna Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbadeen inuu ansixiyo sharciga Doorashooyinka ka hore sanadkii tegay ee 2019, taasoo qeyb ahaan suuragashay, laakiin uu weli sharcigaasi horyaallo Aqalka Sare.