Ra’iisul wasaaraha xukumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, agaasimasha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, ayaa Xalay saqdii dhexe booqday xarumaha Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee shalay ka hortegay qaraxyo lagu weeraray.
Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka uu ku tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirrigelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad sugidda u fashiliyeen Laba qarax oo ay kooxda nabad -diidka Al-Shabaab la doonayeen in ay ku gumaadaan Shacabka iyo maatida Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, kuna burburiyaan hantidooda.
Cidanka nabad sugidda Qaranka ayaa ka hor tegay laba weerar oo qaraxyo ahaa, iyagoo mid ka mid ah weerarradaasi la damacsanaa Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo ay Ciidanku ku toogteen Wadahii Gaariga Qaraxa siday, halka kan kalena ay doonayeen inay ku qarxiyaan goobaha ugu mashquulka badan Magaalada, waxanay Ciidanka NISA ku fashiliyeen bar-kontorool oo u dhow Is-goyska Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha oo salaan ugu tegay ciidamadaasi ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada ayaa ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu ho tageen Qaraxyadii lala damacsanaa in lagu wax yeelleeyo Ummadda Soomaaliyeed.
Wuxuuna Ra’iisul wasaarahuhu intaa ka dib guddoonsiiyay abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidanka maadama ay bad-baadiyeen Shacabka Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyee, isagoo sheegay inuu salaan uga sida Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.