Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilkal sii heysa Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Guddiga farsamo ayaa la sheegay inay u gogol xaarayaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.
Xubnaha guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay waxa ay kala yihiin;
1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.
4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland
5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.
6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland
7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.
8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.
9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka K/Galbeed.
10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka K/Galbeed.
11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.
14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.
Shirkii uu Madaxweynaha xilku ka dhaamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku baaqay 15-ka Febraayo ee Berri ayaa u muuqda inuu meesha ka baxay.
