Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo Dalab u diray Dhiggiisa Dalka Itoobiya [Akhriso]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday dhiggiisa dalka Itoobiya Haile Mairam Deselgn inuu sii daayo maxaabiis Soomaali ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii Ra’iisal  wasaare Kheyre uu Khadka teleefoonka kula hadlay Raii’sul Wasaaraha Itoobiya, iyagoo ka wadahadlay ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli kujira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dalbaday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya inuu sii daayo maxaabiista ku xiran dalkiisa” ayuu Kheyre ku yiri dhiggiisa Itoobiya.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo warar laga helay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ay sheegayaan in maxaabiis ku harsan xabsiyada Itoobiya oo uu ka mid yahay weriye Maxamed Aweys Muudey la sii deynayo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON