Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaaday dalka Iiraan, isagoo ku sheegay in dalkaasi halis weyn ku yahay dunida oo dhan.
Rai’sul wasaaraha Yuhuudda oo khudbad ka jeediyey shirka amniga caalamka ee magaalada Munich, dalka Jarmalka ayaa ku eedeeyay dowladda Iiraan in ay doonayso in ay maamusho Bariga dhexe iyada oo u sii maraysa argagixisada.
Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil aysan aqbali doonin in Iiraan ay qoorta u galiso argagixiso oo ay ku xoogeysato dalka Suuriya. Mr Netanyahu ayaa waxa uu soo bandhigay qayb ka mid ah haraadiga diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka ah oo ay todobaadkii hore ay Israa’iil soo riday, iyadoo sheegtay in ay Iiraan lahayd.
Waxa uu xusay in Iiraan ay dafirayso in diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ay u soo dirtay dhulka Israa’iil toddobaadkii aanu soo dhaafnay . Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in aysan Israa’iil ogolaan doonin in Iiraan ay saldhigyo halis ku ah dalkiisa ay ka samaysato gudaha Suuriya.
Soo ridida diyaaradda ayaa ahayd isku dhicii ugu horeeyay ee dhex mara militariga Israa’iil iyo Iiraan. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa lagu wadaa in maanta galinka dambe uu khudbad ka jeediyo shirka Munich ee looga hadlayo arrimaha ammaanka caalamka.