Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa in muddo ah kadib meel fagaare ah lagu arkay, kadib maalmo aanu kasoo muuqan warbaahinta oo warar nadan laga baahiyey xaaladiisa caafimaad.
Barta Ra’iisal wasaaraha ee Twitter-ka Abiy Ahmed ayaa lagu baahiyey isagoo booqanaya warshad qalabka dadka naafadda ah u soo saarta Ciidamada Qalabka Sida ee Itoobiya, isagoo sheegaya howsha ay dadka mutadawiciinta ka wadaan halkaasi inay tahay mid mudan in la bogaadiyo
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyey warar ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, iyadoo dadka qaarkii ay sheegeen inay xaaladiisu halis tahay markii uu ku dhacay Coronavirus, qaar kalena ay sheegeen inuu dhintayba.
Sirdoonka Itoobiya ayaa digniin kasoo saartay faafinta wararka ku saabsan xaalada Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.
