Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto ku soo saaray xilliga shaqaalaha dowladda ay shaqada soo gelayaan kana baxayaan.
Wareegto ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ayaa lagu faray in dhammaan shaqaalaha dowladda ay isbuucii shaqeeyaan 48 saacadood, iyadoo maalin waliba ay shaqada soo gelayaan 8:00 subaxnimo ayna ka baxayaan 04:30 Galabnimo.
Maalinta Khamiista ayaa shaqaalah loo sheegay inay shaqada ka baxayaan 01:30 Duhurnimo, sida uu qabo xeerka shaqaalaha Lr. 11
Arrintan ayaa ka danbeysay kormeero Ra’iisal wasaaruhu ku tegay xarumo dhowr ah oo lagu ogaaday in shaqada dowlada la soo galo 10:00 Subaxnimo kadib, iyadoo shaqaale badan oo u qoran dowladda aysan ahayn kuwo shaqeeya.
HOOS KA AKHRI WAREEGTADA
