Thursday, July 17, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre: “Isbedelka qeybo ka mida Muqdisho waxay tusaale cad u tahay in amniga wax laga qabtay..”[SAWIRRO]

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tegay xalay  saldhigga Booliska degmada Hodon iyo ciidamo lagu diyaariyey degmada Deyniile oo la sheegay loo diyaariyey Alshabaab.

Booqashadii saldhigga degmada Hodan ayuu Ra’iisal wasaare kheyre ugu kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga,w uxuuna warbixin amniga la xiriirta uu ka dhageystay saraakiisha booliska.

“Is-bedelka aan caawa kusoo arkay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho waxay tusaale cad u tahay in amniga wax laga qabtay..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Dhinaca kale Ciidamada uu booqday Ra’iisal wasaare Kheyre ee Deyniile ayaa isugu jira  Boolis, Militari iyo Nabad sugid, kuwaasoo la sheegay  inay qaadaan howlgal lagu cirib tirayo Argagixisada Alshabaab.

https://pbs.twimg.com/media/DYiMLnsXcAAj0s8.jpg

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON