Monday, July 14, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Wafdi la socda oo gaaray magaalada Baydhaba [Akhriso ujeedka socdaalka]

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi la socda ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Khayre waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka K/Galbeed oo uu horkacayo Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ujeedada socdaalka uu u tagay Magaalada Baydhabo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa waxa ay la xiriirtaa ka qeybgalka tacsida iyo aaska Hooyada dhashay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh oo shalay ku geeriyootay magaalada Baydhaba.

Waxaa kaloo tacsida ka qeyb galaya mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo labada gole, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON