Ra’iisal Wasaare Kheyre Maamuus heer sare ah loogu sameeyay Xarunta Taliska Booliska [Daawo Sawirro]

0

Ra’iisul wasaraaha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa kormeer shaqo ku tegay Taliska guud ee Ciidanka Booliska magaalada Muqdisho.

Waxaa Ra’iisal wasaaraha Kheyre xarunta kusoo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Saraakiil ka tirsan Ciidankaasi, waxaana loo sameeyay maamuus heer sare ah isagoo salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan Booliska.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa  kulan looga hadlayey dardar gelinta Ammaanka  la qaatay Sarreeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska, wuxuuna ku booriyey in lasii adkeeyo Amniga dalka, waxaana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ku ammaanay inay ku guuleysteen sugiga amniga magaaladda Muqdisho.