Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar uu kasoo saaray qarixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho u jeediyay wasiirada xukuuumadda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa wasiirada xukuumadda Soomaaliya amar ku siiyay inay ka qeyb qaataan gurmadka loogu jiro dadkii ku waxyeeloobay qarixii shalay, isagoo faray in la joojiyo howlihii kale ee xukuumadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta baroordiiq saddex maalmood ah oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo calanka jamhuuriyadda hoos loo dhigay.
Wasiirada iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa lagu arkayay isbitaallada magaalada iyagoo dhiig u shubaya dadka waxyeeloobay.