Wednesday, July 9, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Amar siiyay AMISOM iyo ciidamada Dowladda

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku bixiyay in la furo wadooyinka xiran e gobollada dalka.

Kulan uu la qaatay saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ayuu u sheegay inay qaadaan howlgallo lagu furayo wadooyinka xiran ee gobollada abaartu ka taagan yahay koonfurta Soomaaliya si buu yiri gargaarka loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in AMISOM iyo ciidamada dowladda ay isku raaceen in la qaado dhammaan jid-gooyada lagu xanibay  isu socodka si gargaarku u gaaro dadka u baahan.

Howgalka kuma cadda inuu ku wajahan yahay Alshabab iyo in loola jeedo maleeshiyooyin iyo ciidamo dowladda ka tirsan oo ay u xiran yihiin wadooyinka Koonfurta Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON