Sunday, July 20, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo amray in la sii daayo Maxaabiis ku xiran xabsiga Garowe

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa  uu sheegay in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre uu amar ku bixiyay sii deynta maxaabiis ku xiran magaalada Garowe kadib Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la yeesheen Golaha wasiirada Puntland.

Maxaaabiista ayaa la sheegay inay yihiin burcad badeed dalal kala duwan laga soo celiyay, waxaana la isla gartay in la mariyo dariiqii ay dowladda Soomaaliya kula dhaqantay maxaabiistii laga soo celiyay dalalka dunida ee ahaa in la sii daayo.

Fulinta amarkan ayaa loo xil saaray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Wasiirka Cadaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kala shaqeyn doona maamulka Puntland.

“Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo maxaabiista ku xiran halkan, wuxuuna hawshan u xil saaray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Wasiirka Cadaaladda, sii deynta maxaabiistan waxaa loo marayaa hanaankii lagu soo daayay maxaabiistii dibadda..” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON