Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dib u bilaabay kormeeradii uu ku tegi jiray xarumaha wasaaradaha, kadib bilo ay hakad u gashay xiisado siyaasadeed oo ku furmay.
Ra’iisal wasaare Khayre ayaa maanta kormeer ku tagey xarumaha Wasaaradaha Gaadiidka iyo Maaliyadda, halkaas oo kula kulmay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo xiligii uu kormeer ku jirey shaqeynayay, waxuuna ku bogaadiyey sida ay uga dhabeeyeen waqtigii shaqada loo jaan-gooyey.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii ku jirey kormeerkiisa wuxuu mid mid u booqday qeybaha ay ka kooban yihiin wasaaradahaasi, isagoo kula dar-daarmay shaqaalaha iney ilaaliyaan xiliga shaqada isla markaana ay dawladdu la xisaabtameyso cid walba oo mushaar ka qaadata.