Friday, June 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayey oo maalmahaan ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Waxaa Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ay kusoo dhaweeyey masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Turkiga kulamo xaaladda dalka la xirira lasoo qaatay madaxda dowladda Turkiga, iyada oo waxyaabihii ay ka wada hadleen isku soo fahmay iyadoo Turkiga iyo Soomaaliya ay galeen heshiis ay ku sameysanayaan isbaheysi istiraatiiji ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale Turkiga intii uu joogay soo booqday dhaawacyada musiibadii 14-ka October ee kujira Isbitaalada dalka Turkiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON