Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala-taani ayaa farriin qoraal ah ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Farriinta ayaa ku saabsaneyd xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii loo sii xoojin lahaa, sida ay sheegtay wakaalada wararka Qatar, waxaana farriintaasi gaarsiiyay amiirka Qatar Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadda booqasho ku jooga dalkaasi.
Kulan ka dhacay Hotelka Sheraton ee magaalada Dohaa ayuu Amiirka Qatar ku qaabilay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka caalamiga ah Doha Forum, waxaana kulankaasi goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaaraha Qatar iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi.
https://youtu.be/C26_kEgvi04