Monday, July 14, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Garoonka Aden Cadde ku qaabilay Wasiir ka socday UK [Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta garoonka la kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee UK Priti Patel oo booqashadeedii labaad ku timid Muqdisho.

Kulanka ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxayna Ra’iisal wasaare Kheyre iyo UK Priti Patel uga wadahadleen xiriirka labada dal iyo taageerada UK ay siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bogaadiyay kaalinta UK ka qaadaneyso dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa u taga Garoonka Diyaaradaha si ay ula kulmaan madaxda iyo saraakiisha reer Galbeedka oo aan loo ogoleyn inay ammaan ahaan inay galaan gudaha Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON